BREAKING NEWS

Safiir iyo kuxigeenkiisa oo dagaalaamay iyo Xukuumada oo amartay in Muqdisho yimaadaan

Xarunta Safaarada Soomaaliya ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Sudan waxaa ku dhax dagaalamay safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed .

Labadab Diblumaasi ayaa la sheegay in khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay, khilaafka ayaana la sheegay in markii dambe sababay in gacmaha iskula tagaan Safiirka iyo kuxigeenkiisa.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu faray labada diblumaasi in ay yimaadaan magaalada Muqdisho, waxaana qoraalka lagu sheegay in arimo aan fiicneyn ka dhaxeen xarunta safaarada.

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top