BREAKING NEWS

SNM Oo Isku Qirtay Xasuuqi Reer Borama{Video}

Cabdilaahi Xusseen Iiman ( Cabdilaahi Darawal) oo ka tirsanaan jirey Ciidankii Xooga Dalka Somaliyeed qaybtooda Madaafiicda Goobta, Waxna kusoo bartay Ruushka iyo Maraykanka,

HALKAM KA DAAWO VIDEO


markii danbena u goostay kuna biiray Jabhadii SNM, ayaa isagoo u waramaya wariye Ducaale ee Barnaamijka Xusuus reeb,

waxa uu sheegay in uu watay Ciidankii SNM ee galay Dilla iyo Borama, wuxuuna cadeeyey walow uu aad uga soo horjeeday in tacadiyo halkaas ka dhacaan, Haddana cadhada oo aad u saraysay ay qaybo ka mid ah Jabhaddii SNM Tacadiyo iyo fadhataysi (Bililiqaystay) ba’an ka geysteen Magaalada Dilla.

Cabdilaahi Darawal oo u muuqday nin degen kana xun waxa halkaas ka dhacay, ayaa hadalkiisu cadaymo u noqonayaa qaybo ka mid ah gaboodfalkii Jabhaddii SNM ka geysatay Gobolada Waqooyi ee aysan degin Beesha dhexe (Isaaq).

Boobe Yusuf Ducaale ayaa dhawaan dafiray in aysan SNM wax dhib ah magaalooyinkaas ka geysan, Odayaal kale oo SNM ka mid ahaa baa iyana qaba in aysan SNM mudnayn in ay garawshiyo iyo raaligelinba bixiso…

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top