BREAKING NEWS

XF Oo War Ka Soo Saartay Duqeyn Ka Dhacday Dujuuma

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga warbixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay markale ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.

Warkaan ayaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah oo shalay ka dhacay agagaarka magaalada Dujuuma ay iska kaashadeen ciidanka Soomaaliya iyo AFRICOM.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in duqeyntani lagu dhaawacay illaa saddex xubnood oo ka tirsan  Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyey saldhiga ciidan.

Halkaan hoose ka akhriso:

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidanka Mareykan ee taliska fadhigiisa Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn ka fuliyay meel u dhaw magaalada Dujuuma ee Soomaaliya.

Duqeyntan oo ahayd mid qorsheysan ayaa lagu dhaawacay saddex xubin oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaa lagu burburiyey xarun Al-shabaab oo halkaa lagu ogaa waa sida hadalka loo dhigay.

DFS iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykan ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo laga taxadarayo waxyeellada shacabka inta lagu gudajiro ladagaalanka Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedo walba oo soobaxa Imankadan la joogo ma jirto cid rayid ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey weerarkan isaga ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top