BREAKING NEWS

Somaliland iyo Puntland oo ku Dagaalamay laasqoray,

Wararka ka imaanaya degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaas dagaal kooban ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Ad by Valueimpression
Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in isku dhacaas ka dhex bilowday ciidamo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen Soomaali iyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ugu magacaaban Somaliland Maxamuud Xaamud.

Wararka hordhaca ah ee laga helay Laasqoray ayaa xaqiijinaya in hal askari ku dhintay dagaalkaas oo si kedis ah ku bilowday balse weli faahfaahin dheeriya lagama hayo khasaaraha rasmiga ah.

Labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland midkoodna weli kama hadal dagaalka saaka ku dhexmaray degmadaas Laasqoray ee ku taalla

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top