BREAKING NEWS

Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Iska hor imaadka ayaa yimid yimid, kadib markii ciidanka huwanta ay weerareen saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kumaan oo 28 KM u jira degmadaasi.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, basle maamulka magaalada Diinsoor ayaa guullo ka sheegtay weerarka ay qaadeen ciidamada DF iyo kuwa K/Galbeed.

Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top