BREAKING NEWS

Gudoomiyihii Ahlu Sunna Ee Dhuusamareeb Oo La Xiray

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay xireen gudoomiyihii Ahlu Sunna ugu magacownaa Dhuusamareeb.

Axmed Walad Cabdalla ayaa la tilmaamay in lala xiray xubno kale isagoo kasoo baxay xarunta Inji ee magaaladda.

Askari ilaalo u ahaa Axmed Walad ayaa la tilmaamay in uu kamid ah shaqsiyaadka loo dhaadhciyey jeelka.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintaas. Laamaha ammaanka ayaanan wali fahfaahin ka bixin xarigaas.

Dedaalo lagu soo deynaayo xubnahaas ayaa la sheegay in ay waddaan odayaasha dhaqanka oo rajo wanaagsan qaba.

Dhuusamareeb waxaa ka socda kulamo iska soo horjeeda oo ay waddaan madaxda cusub ee Galmudug iyo Ahlu Sunna oo diidey in ay aqoonsato.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top