BREAKING NEWS

Xiisad Ka taagan Buuhoodle

Maamulka somaliland ayaa wada qorshe uu doonaayo inuu kula wareego Garoonka diyaaradaha Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Cayn.

Wasiir Cabdirashiid Qambi iyo xubno kamid ah maamulka somaliland oo ka soo jeeda Buuhoodle ayaa qorshahan ka ah Hormuud ,

Garoonka Diyaaradaha Buuhoodle oo shacabka SSC si iska wax uqabso ah ku dhisten ayaan gacanta ugu jirin wax maamul ah waxaana maamulla oo kaliya dad shacab ah oo dadka deegaanku u garten inay ka ahaadan Guddi maamusha Garoonka.

Somaliland ayaa heshay xog ah in Puntland qorshaynaso In ciidan ka amar qaata loo gacan galiyo Garoonka diyaaradaha Buuhoodle waxayna dhankeeda wada Somaliland inay uga hormarto puntland.

Somailand, ayaa gudaha Buuhdoodle waxaa ka jooga ciidamo ay mushahaar siiso oo u Wakiill uga yahay Cabdirashiid Qambi wasiirka Hawlaha Guud ee maamulkaasi kuwaaso lagu qiyaaso 400 oo askari.

Maleeshiyadkan ayaa loo diyaariyay inay weerar xoog ah ku galan Garoonka diyaaradaha Buuhoodle kadibna ku hayan gacanta.

Somaliland iyo puntland ayaa wada qorshe ah in midkasta gacanta ku dhigo garoonka diyaaradaha Buuhoodle kaaso ah isha kaliye aan cidi maamulin islamarkaana qolada gacanta ku dhigta ay ka dhigan tahay inay Buuhoodle maamulkiisa hayso boqolkiiba %60

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top