BREAKING NEWS

Md Cagjar Oo U Jawaabay Abiy Axmed

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hambalyo u diray Muwaadiniinta Itoobiya sida ay uga qeyb qaateen jabkii ciidamadii ku soo duulay ee Soomaaliya ugu gaysteen Buurta Kaaramardha ee Duleedka magaalada Jigjiga sida ay baahisay warbaahinta FANA ee taageersan dowlada Itoobiya.

Waxaa laga joogaa 42 sano ayaa kasoo wareegtay markii Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya la wareegeen dhulkii Soomaaliya ee xiligaas Itoobiya ay haystay hadana loo yaqaano Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka hor intaan Midowgii Soviet la soo safan dowlada Itoobiya, ciidamadii Somaliyana laga soo saaray dhulkii ay qabsadeen ee Soomaali galbeed.

Abiy Axmed, ayaa Sheegay in Dagaalkaasi Ahaa mid ay guul ka gaadhay Itoobiya islamarkaana uu Siyaad Barre ku khaldana Duulaankaasi.

Dhanka kale Qoraalkaasi waxaa ka cadhooday oo jawaab Kululna ka bixiyay Madaxweynaha ismaamulka soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar,

Madaxweyne Cagjar ayaa qoraal usoo dhigay Bartiisa Facebook ayaa yidhi”

Dhamaan halgamadii shacabka soomaali galbeed waxay ahaayeen halgamo guumaysi-diid oo xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena. Shuhadadii ku dhimatay difaaca dalkooda iyo dadkoodu waxay inaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogta ah, iyagana muddan Taalo!

waxay ka soo baxeen waajibaadkii ku aadanaa xilliyadii ay noolaayeen. Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood. Taasi macnaheedu maahan shakhsi wuxuu afka ama xar-xariiq kuyiri inuu hirgalinkaro!”

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top