BREAKING NEWS

Wararkii Udambeeyey Ee Is rasaaseynta Ka Dhacday Degmada Dooloow [Sawirro]

Wararkii ugu dambeeyey Ee Naga soo gaaraya Degmada Dooloow Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xaaladu ay caadi kusoo laabatay.

Muddo Saacad ku dhaw ayuuna dagaalka ka socday Magaaladaasi,waxaana xirmay isku socodka dadka,ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa guud.

Waxa la sheegay in Seddex Qof ay ku dhaawacmeen oo Askar iyo Shacab iskugu jiray,inkastoo weli aan lasoo tebin tirada ay kala yihiin.

Ciidanka dagaalamay ayaa ahaa kuwa Gor gor Ee Muqdisho laga daabulay iyo kuwii Xasilinta ee halkaasi hore ujoogay.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Ee Dooloow Bakaal Kooke ayaa waxa uu isku dayey in xaalada la qaboojiyo,galabnimadaan jawiga waa mid caad kusoo laabtay.

blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top