BREAKING NEWS

Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay in Wadajir loola dagaalamo Al-Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa uga tacsiyeeyay Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka geerida Guddoomiyihii Gobolka Nugaal waxa uuna Alle (SWT) caafimaad deg-deg ah uga baryey dhammaan dadkii ku waxyeeloobay falkaas.

“Aniga oo ku hadlaya Magacayga iyo kan Shacabka Galmudug waxaan tacsi tiraanyo leh u dirayaa Dowlada iyo shacab weynaha Puntland oo aan uga tacsiyeynayo geerida Guddoomiyaha Gobolka Nuugaal Marxuum Cabdi Salaam Xasan Xirsi. Waxan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka. Rabbi Naxariistii Janno ha ka waraabiyo.”

Sidoo kale, Madaxweyne Qoorqoor ayaa si daran u cambaareeyay qaraxaasi, Waxaana  uu ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top