BREAKING NEWS

Dowladda Somalia oo ka hadashay Soomaali lagu diley Koonfur Afrika

Xalay fiidkii Dhexe ayaa waxaa Burcad Koonfur Afrikan ah ay Gudaha dalkaasi ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jirey Yaasiin Maxamed,waxana dilkaasi ka hadashay Safaarada soomaaliya ee dalkaasi.

Qoraal kasoo baxey Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa tacsi loogu darey Ehelada Muwaadinka Soomaaiyeed ee la diley,xili uu ku gudaha jiray howlihiisa Shaqo.

“Inaa lilaahi wa inaa illeehi raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh udiraynaa dhamaan Eheladii iyo qaraabadii uu kageeriyooday muwaadinkii Soomaliyeed ee lagu magacaabi jiray Marxuum Yaasiin Mohamed, oo Burcad Hubaysan xalay a baarihii 7:15pm ku Dileen Goobtiisa shaqada Illaahay janadii firdowsa haka waraabiyo.

Sidoo kale Safaarada ayaa waxaa ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed marlabaad iyo marsadaxaad ugu baaqdey inay Guryahooda ku sugnaadaan oo aysan furin goobohooda Ganacsiga illaa iyo inta uu ka dhamaanayo Bandowga ay soo rogtay dowladda dalkaas.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top