BREAKING NEWS

Puntland oo karantiishay dad ka yimid Somaliland

Iyadoo dhibaato xoogan uu ku hayo dalal badan oo Caalamka kamid ah ayaa waxa ay Puntland xaalad karantiil ah galisay 10 qof oo ka yimid dhinaca Somaliland sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan oo kamid ah guddiga ka hortaga cudurka Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka ayaa hadalkan ka yidhi kulan uu guddigu maanta la yeesheen warbaahinta Puntland, waxaana uu tilmaamay in dadkani oo kasoo jeeda Puntland la karantiilay si loo hubiyo inuu jidhkooda ku jiro fayraska Covid 19 iyo in kale.

Muddo 14 cishe ah lagu hayn doonaa dadkani xarunta karantiilka ee magaalada Garowe, waxaana tiradooda guud lagu sheegay 15 qof kuwaas oo afar kamid ah ay kusii jeedeen dalka Hindiya halka inta kalena ay kusii jeedeen Garowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka faray in ay ka shaqeeyaan ka hor tagista cudurka Coronavirus iyo sidii loo xakamayn lahaa, waxaana dowladdu ay jeedisay digniino kala duwan si loo xakameeyo cudurkan oo halis ku haya Caalamka oo dhan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top