BREAKING NEWS

Somaliland oo ka jawaabtey hadal kasoo yeeray Dowladda Somalia

War kasoo baxey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaarada aan la soo gaarsiin laba kiis oo ku saabsan Cudurka Coronavirus oo Soomaaliland sheegtey deegaanadeeda,hayeeshee Soooomaliland aya ka jawaabtey hadalkaas.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliland Hinda Xersi Gaani oo Saxaafadda kula hadashay Hargeysa ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay ka dagaalantay in Soomaaliland laga helay laba qof oo qaba Cudurka coronavirus.

Bal qofka kuu diidey in deegaannadaada laga helay COVID 19 kuuna aqoonsan maayo bal muxuu kuu qaban karaa,halka laga sugaayey inay yiraahdaan soomaaliland waa dal yar ee aan u duceyno ee haloo gurmado,hadii soomaalinimada dhab ka tahay ma dhaheen soomaaliland ma qabto Coronavirus”ayay tiri Wasiir Hinda.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeyso in soomaaliland aysan waxba ka dooneyn,hayeeshee ay wax u qabtaan dadka Soomaaliyeed oo ay mas’uulka ka yihiin.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top