BREAKING NEWS

Madaxweyne amray in toogasho lagu dilo qofkii diida xayiraadda coronavirus

Madaxwetnaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte, ayaa ka digay in laga dhaga adeygo amarka ay dowladdu xayiraadda ugu soo rogtay waddankiisa, si looga hortago faafitaanka caabuqa coronavirus, isagoo sheegay ku xadgudba amarkaas toogasho lagu dili doono.

Waxa uu sidoo kale hanjabaad culus u jeediyay dadka tacaddiyada u geysta shaqaalaha caafimaadka, kuwaasoo uu sheegay inay galayaan dambi aad u culus oo aan loo sii dul qaadan doonin.

Khudbad telefishinnada laga sii daayay ayuu Duterte ku sheegay inay muhiim tahay in qof walba uu u hoggaansamo amarka karantiilka ah ee lasoo rogay, xilli dowladdu ay isku dayeyso inay yareyso dadka uu ku dhacayo coronavirus si aan loo buux dhaafinin xarumaha caafimaadka ee tabarta yar.

Dalka Philippines ayaa soo tabiyay 96 dhimasho oo ka dhalatay coronavirus, halka tirada dadka uu ku dhacay cudurka ee waddankaasna lagu sheegay 2,311 qof.

Hase yeeshee waxaa dalkaas laga xaqiijiyay 3 kiis muddadii saddexda isbuuc ahayd ee lasoo dhaafay gudaheeda, xilli hadda lagu soo warramayo in uu cudurkan boqollaal qof ku dhacayo maalin walba.

“Xaaladdu way kasii dareysaa. Marka waxaan mar labaad idiin sheegayaa inaad si dhab ah u fahantaan dhibaatada oo aad wax maqashaan,” ayuu yiri Duterte oo hadlayay galinkii dmabe ee maalintii Arbacada.

“Farriinta aan booliska iyo milatariga u dirayana waxay tahay … haddii ay dadku dhib keenaan, oo idinla dagaallamaan, naftiinnana khatar galiyaan, toogasho ku dila.”

“Hadalkaas ma la fahmay? Waad dhimaneysaan. Intii aad dhibaato keeni lahaydeen, Aniga ayaa idin aasaya.”

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii warbaahinta qaar laga sheegay in Arbacadii la xir xiray dad ku mudaharaadayay xaafadaha saboolka dagaan, kuwaasoo ka cabanayay inuusan ku filneyn raashinka ay dowladdu ugu deeqdo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top