BREAKING NEWS

Dowladda oo Ciidamo Militari ah u dirtay Degmada Wanlaweyn

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo Militari ah u dirtay degmada Wanlaweyn ee Gobalka Sh/Hoos, kuwaa oo la sheegay iney kala dhax gali doonaan laba Maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamayay Labadii maalina ee ugu dambeysay gudaha Degmadaasi.

Ciidamadan Dowladda u dirtay Wanlaweyn ayaa gaari doona saacadaha soo socda, kuwaa oo kala dhax gali doono dirirta u dhadeyso Labadaasi beelood.

Dagaal dad badan oo Shacab ahaa ku dhinteen ayaa ka dhacay gudaha degmada Wanlaweyn.

Wali Maamulka Gobalka Sh/hoose kama hadlin Dagaalka la Xiriira aargoosiga qabiil ee dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay gudaha degmaaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top