BREAKING NEWS

Khilaafka Deni iyo Karaash Warbixin,

Wararka laga helayo madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in uu soo if-baxay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), kaasi oo ku salaysan Isku-shaandhayn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Xukuumadda.

Ilo’ wareedyo hoose, oo ka gaabsaday magacyadooda, ayaa Widh Widh Online u xaqiijiyay in khilaafka Deni iyo Karaash uu si gaar ah u khuseeyo magacaabista wasiirada ka imaanaya gobolka Sool, kuwaas oo madaxweyne ku xigeenku doonayo in lagu tixgeliyo talada uu ka bixiyo magacaabistoooda.

Mudane Axmed Karaash, ayaa doonaya in shakhsiyaadka laga soo magacaabayo gobolka Sool ay ku yimaadaan tala-bixintiisa, islamarkaana gobolkaas uu doorkan saami u helo wasaarado muhiim ah oo ka miisaan weyn kuwa ay haatan hayaan wasiirada gobolka Sool matala.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in kulan ay yeesheen labada nin lagu kala dhaqaaaqay, kadib markii madaxweyne Deni uu ka caga-jiiday dalab uga yimid madaxweyne ku xigeenka oo ka codsaday in wasaaradda Arrimaha gudaha dib loogu celiyo saamiga gobolka Sool.

Wasaaraddaas, waxaa xilligii Cabdiweli Gaas hayay Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo ka soo jeeda gobolka Sool, balse waxa haatan haya Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka soo jeeda gobolka Mudug.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku-maan-dhaafsan shakhsiyaadka la doonayo in laga soo magacaabo gobollada Sool iyo Cayn, waxaana mid kastaa ku adkaysanaya go’aankiisa, taasi oo dib u dhac ku keentay isku-shaandhayn madaxweynuhu ku samayn lahaa Golaha Xukuumadda.

Isku-shaandhaynta oo la filayay in ay soo baxdo saacadaha soo socda, ayaa la sheegayaa in ay mudda kooban dib u dhacday, inkastoo aan la ogayn goorta ay noqon doonto.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top