BREAKING NEWS

Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Awdheegle

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Dadka qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa laba miino lagu aasay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taala degmada Awdheegle, kuwaas oo ay ku geeriyoodeen laba qof oo kala ah hal askari iyo qof shacab ah halka saddex askari oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi.

Guddoomiyaha degmada Awdheegle Cabdullaahi Cismaan Abuukar ayaa xaqiijiyey in qaraxyadaasi ay ka dhacay degmada Awdheegle, waxaana uu sheegay inay wadaan baadhitaano ku aadan cida ka dambaysay qaraxyadaasi.

Xaalada degmada ayaa hada mid ka duwan sideedii hore, waxaana socda hawlgalo kala duwan oo ay wadaan ciidamada amaanku si loo soo qabto cidii ka dambaysay falkaasi qaraxyada ah ee dhibaatada sababay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top