BREAKING NEWS

Weerar Ka dhacay Boorama,

Wararka ka imaanaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in dablay hubysay ay habeenkii xalay ahayd weerar ku qaadeen hoyga uu ka degan yahay gudaha magaaladaasi duqa degmada Boorama Saleebaan Xasan Xadi.

Weerarka oo ahaa mid qorshaysan ayaa kadib ayaa waxaa la sheegay in uu dagaal kooban uu dhex maray ilaalada duqa degmada Boorama iyo ragii weeraray, kaas oo la sheegay in uusan sababin khasaare nafeed.

Guriga duqa ayaa la sheegay in bur bur uu soo gaadhay qaybtii rasaastii lays waydaarsaday darteed, waxaana hada xaaladu ay tahay mid degan.

Jawiga magaalada Boorama ayaa saaka ka duwan sidiisii hore, waxaana laamaha amaanka gobolku ay wadaan dadaalo xoogan oo ku aadan soo qabashada ragii ka dambeeyey falkaasi.

Marar kala duwan ayaa la weeraray xarumo kamid ah magaalada Boorama, waxaana masuuliyada weerarkaasi sheegtay jabhadd ka jirta gobolkaasi oo Somaliland dagaal kala soo horjeeda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top