BREAKING NEWS

Qofkii koowaad oo Puntland ugu dhintay Coronavirus

Guddiga ka hortaga cudurka Coronavirus ee Puntland ayaa sheegay in mid kamid ah dadkii ku jiray xarunta karantiilka uu geeriyooday, iyadoo aysan weli soo bixin natiijada baaritaankii laga qaaday.

Faah faahin kama bixin guddiga qofka geeriyooday, balse waxay sheegeen in 9 qof oo cusub la galiyay xarunta karantiika Garowe ka dib markii laga shakiyey laguna arkay calaamadaha cudurka.

Waa qofkii labaad ee Garoowe ku dhinta isagoo ka mid ah dad loo karantiiay cudurkan, bishii la soo dhaafay ayeyna aheyd markii qof laga helay calaamadihii cudurka uu ku geeriyooday magaaladaas inkastoo aan la xaqiijin inuu qabay cudurka.

Dhinaca kale Haykal Daahir Cumar oo ah bukaanka kaliya ee degaanada Puntland laga helay cudurka Covid19 gudaha Puntland , ayaa sheegay inuu xanuunka kasoo bogsanayo isla markaana uu filayo inuu maalmaha soo socda ka ka soo baxo isbitaalka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top