BREAKING NEWS

Kiiskii ugu horeeyey ee Coronavirus oo laga helay DDS

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Itoobiya ayaa Maanta shaacisey in qofkii horeeyey ee qaba Cudurka Coronavirus laga helay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in shaqsigaan uu ku nool yahay Magaalada Jigjiga una dhashay mid kamid ah qowmiyaha dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka Itoobiya in qofka laga helay Cudurka Coronavirus uu dhawaan ka yimid deegaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland

Qofkii ugu horeeyey ee qaba Cudurka COVID-19 ee laga helay Dowlad deegaanka Soomaalida gaar ahaan Magaalada Jigjiga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay Bandow uu ka dhaqan galay Magaalada Jigjiga.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top