BREAKING NEWS

Deni oo Laba Sarkaal Ka Qaaday Xilkii

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse.

Dikteeto Maanta oo Isniin ah ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii looga qaaday Taliyaha Booliiska Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, waxaana xilkaasi loo magacaabay S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare).

 Dhan kale Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeennadii kowaad iyo saddexaad ee Ciidanka Booliiska Puntland.

Dikteeto Maanta oo Isniin ah ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka looga qaaday Taliye ku xigeenkii kowaad ee Ciidanka Booliiska Puntland sarreeye Guuto Bile Faarax Cali.

Sidoo kale, waxaa dikreetadaas xilkii looga qaaday Taliye ku xigeenkii saddexaad ee Ciidanka Booliiska Puntland Gaashaanle sare  Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag).

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top