BREAKING NEWS

Safarka Muuse Biixi ee Itooobiya iyo Xogta Ku Qorsoon,

Muuse Biixi Cabdi ayaa lafilayaa maalmaha soo socda in Uu Safar Ugu Anbaboxo Caasimada Dalka Itoobiya Ee Adis Ababa Wallow Aan Wali La Shaacin Ujeedada Socdaalkiisa Ee wakhti Xaadirkan Oo Caalamka Uu Kala xidhay Xanuunka Coronavirus Kaasi Oo saamayn ku yeeshay Duulimaadyada Dunida.

Wararka laga helayo Safarka Muuse Biixi Ku Tagayo dalka itoobiya ayaa sheegaya in uu Casuumad ka helay Raysal wasaaraha Dalka itoobiya Abbey Axmed.

Sidoo kale xogaha kasoo baxaya safarka Biixi ayaa tibaaxay in ay la xidhiidho Xaalad Caafimaad oo lasoo daristay Madaxwaynaha Taasi oo aan sicad loo ogayn Xaqiiqadeeda iyo sida uu yahay Xanuunka la sheegay in uu madaxwaynaha kusoo Booday

Dhanka kale Wararka laga helayo safarka Muuse Ayaa intaa ku daray in uu la xidhiidha talaabada Somaliland ku joojisay jaadka Somaliland uga iman jiray dalka itoobiya oo saamayn dhaqaale ku yeeshay dalka itoobiya iyo guud ahaan ganacsiga udhexeeya Somaliland Iyo Itoobiya. Halka wararka qaarna sheegayaan in dawlada itoobiya siwayn uga cadhootay ficilada ciidanka Somaliland ku gubayaan qaadka Somaliland kasoo gala xuduudka ay wadaagaan dalka itoobiya kaasi oo kiciyay shucuubta shacabka itoobiya oo iyagu qaadka siwayn ubeerta uuna kasoo galo dhaqaale badani,

Deegaanada uu kasoo baxo qaadka ee dalka itoobiya ayaa ah kililka Oromada ee uu kasoo jeedo raysal wasaare abbey axmed oo dalka itoobiya ka Ah qoomiyada ugu badan hadii ay dawlada ka horyimaadaana saamayn balaadhan ku yaalanaysa hogaaminta dalka ee raysal wasaare abiy axmed.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top