BREAKING NEWS

Wasaaradda Caafimaadka oo hadalkii Wasiir Maareeye ku tilmaamtay mid aan cilmi ku dhisneyn

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay hadalkii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye ee ku aadana in qof kaste oo dhinta uu u dhintay Cudurka Corona Virus.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid C/llaahi ayaa sheegay in hadalka Wasiir uu qeyb ka ahaa wacgalinta bulshadda laakiin uusan ka turjumeyn Xaaladda dhabta ah.

Waxaa uu sheegay in warbixinadii Wasaaradda Caafimaadka ka soo baxay uu ahaa mid cilmi ku dhisan oo ku yimid baaritaan ay sameysay wasaaraddu.

“Anagu warbixinadii aan baahinay waxay ahaayeen kuwo ku yimid baaritaano aan sameynay, xaqiiqda dhimashada cudurkaasna waa tiradii aan shaacinay, laakiin waxaan lee nahay, waxa la sheegayo waa inay cilmi ku dhisnaadaan oo baaritaan ku cadaadaan”ayuu yiri wasiir kuxigeenka Caafimaadka Maxamed Saciid C/llaahi.

Dood ayaa ka dhalatay hadalkii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ee ahaa in xilligaan qof kasta ee dhinta ay Dowladda Soomaaliya u aqoonsan tahay in uu u dhintay Cudurka Coronavirus.

Waxaa uu sheegay in maalin walba ay dhintaan dad farabadan oo la sheegay in Cuduro ay kamid tahay Mallaariyo u dhinteen,balse warkaasi aan wax ka ka jirin hayeeshee dadkaasi dhamaantood ay Guryahooda ugu dhinteen COVID-19.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top