BREAKING NEWS

Laamaha Amniga oo soo bandhigay Nin ay sheegeen in uu miino Aasayay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo miina baaris ah waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in intii ay howlgalka ku jireen ay gacanta ku dhigeen Njn dhalinyaro ah oo miino ku Aasayay Wadada soo gasha degaanka Janaalw.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa Warbaahinta u sheegay in Shaqsiga la soo qabtay ay ku wareejin doonaan Maxkamada Ciidamada,isla markaana uu Aasayay miino uu doonayay in uu dadka ku dhibaateeyo sida uu hadalka u dhigay.

Ciidanka Millateriga Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Janaale e Gobolkaasi Shabeellaha Hoose waxaa ay wadeen howlgallo kala duwan,iyada oo dhowr jeer qaraxyo lala beegsaday.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top