BREAKING NEWS

Maleeshiyaad Somali ah oo ku dagaalamay DDS & Khasaaro ka dhashay

Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah una dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Sallaxaad ee Gobolka Baali ee Ismaamulka Soomaalida Itooobiya.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu la xiriiro aanooyin qabiil oo ay labada Beelood ku dagalamayaan dhul daaqsin ah oo deegaankaasi ku yaalla,waxaana inta la xaqiijiyey dagaalka ku geeriyooday 20 Ruux halka Soddomeeyo kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo u badan maleeshiyaadka dagaalamay.

Dagaal beeleedka ka dhacay Deegaanka Sallaxaad ee Gobolka Baali ee Ismaamulka Soomaalida Itooobiya ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid soo laab laabtey oo deegaankaas dhowr jeer oo hore ka dhacay.

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hoggaamiyo Mustafa Muxumed Cagjar weli kama hadlin dagaalkaas,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in waan waan ay bilaabeen Odayaasha Dhaqanka deegaanka lagu dagaalamay

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top