BREAKING NEWS

Trump oo ka hadlay ninkii madowga ahaa ee lagu dilay Minneopolis

Madaxweyanaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilkii magaalada Minneopolis uu ugu gaystay mid kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska magaaladaasi nin madow ah oo lagu magacaabi jiray George Floyd.

Trump ayaa waxa uu ka codsaday hay’adda FBI-da iyo waaxda caddaalada Maraykanka in talaabo ay qaadaan marka ay soo af jaraan baadhitaanada ku saabsan dhacdadaasi dilka ah.

Sidoo kale waxa uu u tacsiyeeyey qoyska iyo eheleada George Floyd oo ahaa ninkii lagu dilay magaalada Minneapolis, isagoona ka hadlayey dhacdadii lagu dilay ninkaasi iyo hanaanka ay u socdaan baadhitaanadu waxa uu yidhi Mr. Trump “Sida aan ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaalada waxay si wanaagsan u wadaan baadhitaanada dhacdadan naxdinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu gaystay George Floyd. waxaan ka codsaday baadhitaanada kadib in baadhitaano la qaado, waxaan si aad ugu mahad celinayaa ha’yadaha sharciga ee maxaliga ah shaqada ay qabteen caddaalada waa inay dhaqan gashaa”.

Dilkii ninkan madowga ah ayaa sababay kacdoon culus, waxaana shaqada laga eryey ninkii la sheegay in uu dilay iyo labo sarkaal oo kale, waxaana dowladda laga codsaday in ay cadaalada hor keento ragii ka dambeeyey dilkiisa.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top