BREAKING NEWS

Ciidanka Somaliland Ku Duulay Buuhoodle

Waxaa Deegaanda Ceegaag iyo Horufadhi Ee Gobolka Cayn gaadhay Maleeshiyaad kamid ah maamulka somaliland oo ka baxay saaka Gobolka sool,

Maleeshiyaadkan ayaa jaanis ay ugu dhawaadan xuduudka gobolka cayn gaar Ahaan Buuhoodle ka dhiganaya colaada Beelaha Hagar iyo hayaag,

Horufadhi oo ah duleedka Buuhoodle ahna magaalo istaraaji ah ayaa markii ugu horaysay waxaa gaadhay Maleeshiyaad somaliland ah oo u wato Mahad Cambaashe ,.

Beelaha Hagar iyo hayaag oo iyana Deegaanka Ceegaag iyo Horufadhi Keenay maleeshiyad beleed ayaa hada iyana tallo faro ugu jirin.

Maamulka Somaliland ayaa caan ku ah in uu colaada dhulbahante dhexdiisa ah ka dhigto jaanis uu ku gaadho deegaano uusan hore u gaadhi jirin,

Walwal weyn ayaa laga qaba maleeshiyaadkan gaadhay deegaanka Horufadhi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top