BREAKING NEWS

Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Waxaa lagu wadaa in todobaadkan gudihiisa ay dib u bilowdaan wada-hadalladii u dhexeeyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland, kuwaas oo hakad ku jiray afartii sano ee u dambeysay.

Wada-hadallada ayaa ka dhacaya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo ay isugu tagayaan wafuud ka kala socoto labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Sida ay horey u baahisay Widh Widh Online madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ka tirsan dowladda federaalka ayaa saacadaha soo socda ku wajahan dalka Jabuuti, waxaana socdaalkaasi Madaxweyne Farmaajo ku wehlinaya, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa Somaliland shirkaasi uga qeyb-gali doono wafdi culus oo uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top