Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyey inay si rasmi ah u furmeen wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ay marti-gelineyso.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dib u bilaabashada wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay tusaale fiican u yihiin Gobolka Afrika.
Madaxweyne Ismaaciil oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in wada hadalladaan ay tusaale fiican u yihiin si wadida go’aanada hoggaamiyaasha Gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyadoo loo marayo wadahadal.
“Dib u bilaabashada wada hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland waa tusaale fiican oo ka tarjumaya sii wadida go’aanka hogaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal”. ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil.
