BREAKING NEWS

Aden Barre Ducaale oo laga qaaday Afhayeenka Aqbaliyada baarlamaanka Kenya

Aden Barre Ducaale oo soo ahaa Gudoomiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, kana soo jeeda gobalka Waqooyi Barri Kenya ee Soomaalida ayaa laga xayuubiyey xilkaas, waxaana ka codeeyey Mudanayaasha baarlamaanka Kenya.

Mudanayaasha baarlamaanka Kenya ayaa ka keenay mooshin ay codad dhan 129 cod ku diidan yihin in uu jagadan sii hayo Aaden Barre Ducaale, iyadoo lagu bedelay Amos Kimunya, oo ka mid ah siyaasiinta dalkaas.

Mr, Ducaale waxaa lagu xasuustaa in uu si ba’an marar badan weerar ugu qaaday dawladda Faderaalka Soomaaliya, sidaas oo kale mar uu ka hadlayay Qadiyadda Badda ee u dhaxeysa Somalia & Kenya,ayuu sheegay in ay Kenyaan yihiin oo aysan waxba kagalin badda Soomaaliya.

Barre ayaa sidaas oo kale lagu xasuustaa hadalkiisii UUNSI oo ula jeeday madaxda dawladda Faderaalka, mar uu ka hadlayay caleema-saarkii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay isku beel kasoo jeedaan

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top