Waxaa Maanta Magaalada Buuhoodle Caasimada Gobolka Cayn looga dhawaaqay Golaha Badbaado SSC.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Odayaasha cuqaasha waxgaraadka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Buuhoodle ayaa ka soo Qeyb Galay Munaasibada Looga dhawaaqay Golaha Badbaado SSC.
Afhayeenla Golaha Badbaado SSC Cabdiqaadir Cabdilaahi Maxamed Mr Xildhibaanka ayaa munaasibada ka sheegay in Golahani yahay mid u taagan Qadiyadda SSC islamarkaana u dagaalamaya meeaamka maamul ee deegaanka SSC oo madax Banaan.
Afhayeenka ayaa sidoo kale baaq udiray dawlada Fadaraalka soomaaliya in ay shacabka SSC iyo meeqaamka Maamul ee deegaanak SSC ay il gaar ah ku eegto.
Golahan ayaa maalmaha soo socda looga dhawaai doona guud ahaan Dalka iyo Dibada iyadoo Buuhoodle noqotay Meeshi ugu horeysay ee looga dhawaaqo.