BREAKING NEWS

Baarlamaanka Puntland oo si adag uga dooday Metelaadda Gobolka Banaadir

Kulan ay Maanta Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ku yeesheen Xildhibaannada Golaha wakiilada Puntland ayaa waxaa ay si adag uga hadleen Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ugu ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu matalaad ku yeesho Aqalka Sare.

Inta uu kulanka socday ayaa Xubno kamid ah Golaha Wakiilada Puntland waxaa ay DFS, Madasha Xisbiyada, maamullada HirShabeelle, KGS iyo Galmudug ku eedeeyey in ay faquuqayaan Puntland iyo Jubbaland.

Warar kale oo laga helay kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaannada qaar ay soo jeediyeen in Puntland ka tashato Soomaaliya isla markaana ku dhawaaqdo madax-banaani, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Wararka ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxaa ay sheegayaan in Golaha Wakiilada Puntland iyo Xukuumadda Maamulkaas ay qaraar kasoo saari doonaan saarayo metelaadda gobolka Banaadir.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top