BREAKING NEWS

Puntland Maxay Ka Dhex Aragtay Gooni Goosadka ay ku Hanjabayso?

Laga soo bilaabo bishii Sadexaad ee sanadkan ilaa maanta oo aan joogto waxaa soo baxaayay warar sheegaya in maamulka Puntland uu doonaayo in uu soomaaliya ka goosto hadii la maqli waayo taladiisa.

In Soomaaliya iyo Guud ahaan Dawlada Fadaraalka xiligan ay ugu Hanjabaan Puntland , inay ka goostaan Soomaaliya Maxaa keenay waa mid mudan in la is weydiiyo.

1991 ayay Ahayd markii Beesha isaaq ay sheegatay inay ka goosatay soomaaliya.

Beesha isaaq Gafkii ay u Geesatay Qaranimada soomaaliya ku maysan Mutaysan ciqaab balse taas badelkeeda waxay ku heshay dhaqalle Manfac kala duwan iyo koolkoolin dheeraad ah iyo in loo afduubo intii kale rabtay soomaalinimada iyo Midnimada .

1991 markii isaaq ku dhawaaqay inay soomaaliya ka goosten xukumadihii kala duwana ee soomaaliya soo maray midkasta waxay naaxinasay fikirka beeshaasi ee gooni goosadka Ah. halkii laga rabay in Dawladihii kala duwana ee soomaaliya Soo maaray inay saqiiriyaan fikirka oo ku soo rogan cunaqabateen dhaqaalle iyo mid siyaasadeed si uusan u hirgalin fikirkan guracan ee dalka lagu kala jaraayo kadibna ay cashar u noqoto cidii kale hawaysata fikirkaaso kale,

2020 maanta in Puntland dhahdo waxaanu ka goosanana soomaaliya waa qorshe eediisa ay leedahay Dawlada Fadaraalka soomaaliya sababto ah kuwii hore ayaa ku Faa’iiday gooni goosadka

Siyaasadda soomaaliya ee 30 sane ugu danbeeyay ahayd in la maslaxo ninka soomaali duminaya kii doonaayay soomalinimada la duudsiyo midho dhalkeedii waxay noqotay in beel wali ku hanjabto gooni goosad.

La soco Qaraalka xiga kan oo aan uga hadlaayo gooni goosad majeerten iyo isaaq oo aysan raali ka ahayn warsangali iyo dhulbahante muxuu soo kordhinaya?maxaase Xukumada Xamar, uga qorshe ah Beelahan gooni goosadka ku Hanjabaya iyo kuwan somalinimada doonaya ee ay iska indho tirayso Dawlada somalia,!

WIdh Widh Online

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top