BREAKING NEWS

Siriqda Cusub Ee Madaxweyne Farmaajo & Beesha Markaan Uu Qancinayo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa diyaarinaya qorshaha uu Maamul Gobolleed ugu sameyn lahaa Gobollada Sool iyo Sanaag.

Waxaa Maqneyd Hanaankii Gobolladaas kuraasta Beelaha ay kaga qeybsan jireen Federaalka oo lagu bahdilayey Sanadihii dambe.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA OO MACNO BADAN WATA

  1. Kuraasida Aqalka Sare ee Sool iyo Sanaag ka maqan waxaa bixiyey Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Puntland ka soo jeeda iyo Xasan Sheekh oo Puntland Xulafo siyaasadeed la ah, maxaa iyaga loogu eedayn waayey ama loo xagxagan waayey?
  2. Baarlamaanka Puntland iyo kuwii ka horeeyey maxay madaxdii xilka haysay ula xisaabtami waayeey markay xuduudaha Puntland difaaci waayeen? Soo dastuurka Puntland ma jebin? Xusuuso hadalkii Garaad Shirwac ee shirkii Maarso 2020.
  3. Puntland hadii Sool iyo Sanaag dani ka hayso maxay u soo ceshan weydey? Mise kuraastooda Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa la macaansaday? Maxaase laga dheefay kuraastaas waayo sanadkii 2012kii 5 ka mid ah 8da xildhibaan waxay u codeeyeen Xasan Sheekh iyagoo ka leexday Musharixii Puntland, sanadkii 2016kii 11ka xilshibaan badankooda waxay doorteen Farmaajo. Taasna waxay kala mid ahaayeen xildhibaano badan oo Puntland ah.
  4. Baarlamaanka Puntland ma isweydiiyey maanta dareenka dadka Sool, Sanaag iyo Cayn halka uu joogo? Imisa sanadood ayaa been loo sheegi karaa dadka?.
  5. Baarlamaanka Puntland iyo madaxda maamulka haysa ma waxay fahmi waayeen in Sool iyo Sanaag xiligan u baahan yihiin in ciidamada SNM laga saaro?
  6. Go’aanka Baatlamaanka Puntland laguma cadayn Sool iyo Sanaag meesha ay ka tirsan yihiin.

Hangoolka maalin hawleed ayaa la tebaa, Sool iyo Sanaag iyagana maalinta doorashooyinka.

Waxaa qoray: Axmed Cali Shire, Agaasimihii hore ee wasaaraddaha Xanaanada Xoolaha iyo Waxbarashada Puntland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top