BREAKING NEWS

Lacag Badan Oo loogu Deeqay Dalka Soomaaliya

Bangiga Adduunka ayaa markale lacag malaayiin Dollar ah ugu deeqay Soomaaliya, taas oo ah taageerada horumarinta caalamiga ah.

Lacagtaan oo gaareysa illaa 40 milyan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay guddiga agaasimeyaasha hay’adaha bangiga adduunka, si loogu caawiyo dowladda federaalka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtan aqeyb ka tahay maaliyada deg-dega ah ee Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo haatan fara ba’an ku haya gobollo badan oo ka tirsan dalka.

Sidoo kale qoraalkan oo la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu muujiyey in ay taageradaasi qeyb ka tahay barnaamijka jawaab-celinta deg-dega ee looga hortagayo khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo nidaamka u-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Bangiga Adduunka uu Soomaaliya u ansixiyey lacag gaareysa 55 milyan oo Dollar, taas oo lagu kaabayo miisaaniyadda dowladda ee 2020.

Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top