BREAKING NEWS

Deg Deg::Itoobiya Oo Xabsiga Dhigtay Saraakiil Sar Sare Oo Ka Mid Ah Ururuka Oromada Ee OLF

Ciidammada amniga ee Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay shan sarkaal oo sar-sare oo ka tirsan jabhadda Oromada ee OLF oo haatan ah xisbi mucaarad ah, sida laga soo xigtay OLF.

Ururka Oromo Liberation Front (OLF) wuxuu sheegay in siyaasiyiinta ay haatan ku xiran yihiin magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha OLF wuxuu sheegay in aanan war laga heyn halka loo kaxeystay saraakiisha.

Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dilkii fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.

Waxaana rabshadahaas ku dhintay in ka badan 160 qof

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top