BREAKING NEWS

Xaalada Adag Oo ka taagan Mozambique

Qabuuro ku yaallo dalka Mozambique waxaa weerar ku haya xayawaanka Eyga kuwaas oo la sheegay in meydadka ay kasoo faqayaan qabuuraha si ay u cunaan, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Qabuurahan oo ku yaalla magaalada Chimoio ayaa waxaa lagu aasaa meydadka carruurta.

Hooyo ku nool halkaas oo dhawaan qabuuraha kusoo aastay meydka canugeeda ayaa sheegtay in Aydu ay qabriga kasoo faqeen meydkiisa isla markaana ay cuneen.

Wararka waxay sheegayaan in qabuuraha ay daadsan yihiin maryo, lafaha iyo hilibka dadka.

Weriye ka howlgala warbaahinta Miramar oo tebisay warkan ayaa sheegay in meydadka ay eeyaha kasoo Faqeen qabuuraha ay gaadhayaan ilaa 343 meyd.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in eeyaha ay haatan halis ku hayaan qabuuraha maadama adkaatay in dad badan ay booqdaan qabuuraha safmarka Corona awgii.

Waxaana arrintani loo aaneynayaa in eeyaha ay waayeen wax ay cunaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top