BREAKING NEWS

Xaalada Tukaraq oo Kacsan

Taliyaha ciidamada Somaliland Jen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa aroornimadii hore ee saaka soo gaaray, sida ay wararku cadeynayaan deegaanka Tukaraq oo ay kusugan yihiin ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa waday maalmihii u dambeeyey dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kuwajahan in ay gaaran degmada kaliya ee gobalkaas katirsan, kana maqan gacantooda oo ah magaalada Boocame oo ay hadda gacanta kuhayso Puntland ahna degmada kaliya ee ay ka hayso gobalka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in Nuux Taani uu shir laleeyahay saraakiishiisa, kana socdo deegaanka Goojacade, ayna qorshahaas ka wada hadlayaan, waxaana dibad-joog ka ah saraakiisha deegaanka, majiraan war faahfaahsan oo laga bixiyay safarkan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top