BREAKING NEWS

Baarlamaanka Puntland oo xaraashay xaruntii ay ku shaqeynaayeen

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa ansixiyey in ay xaraashaan xarunta golaha oo ku taalla Bartamaha Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa Maalintii Isniin ahayd Mudanayaasha Golaha Wakiilada u gudbiyay Qoraal Codsiya oo ku aaddan in la iibiyo Xarunta uu haatan Baarlamanka ku shaqeeyo oo ka soo horjeedda Xaruntii hore ee Madaxtooyada Garowe

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ka cabanaayan sababo amni oo la xariirta xarunta ay degan yihiin, taasoo badalkeena ay doonayaan meel ammaan ah.

Kulankii Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 41 xubnood waxaa in Xarunta Golaha in la iibiyo u codeeyay 31 mudane 6 xildhibaan ayaa diiday halka 4 mudane ay ka aamuseen Qoraalkaas codsiga ahaa.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kulanka uu ahaa mid qarsoodi ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top