BREAKING NEWS

Somaliland Oo Ciidan U dirtay Horufadhi

Wararka laga helayo magaalooyinka Laascaanood iyo HoruFadhi ayaa sheegaya in ay Somaliland ciidamo wata 9 baaburta dagaalka ah u dirtay magaalada Buuhoodle.

Ciidamadan oo ka baxay Jiida Tukaraq ayaa aroornimadii hore ee saaka gaaray deegaanka TuulaSamakaab, waxaana halkaas ka dhacay Shil-baabuur oo labo kamid ah ay isku dhaceen.

Shalay, ayay Buuhoodle tageen wafdi kasocda Puntland, ayna doonayeen lakulanka Isimadda dhaqanka iyo tagida deegaano ku dhaw-dhaw Horufadhi.

Ciidankan ayaa ka dagay laamiga, kana bayray deegaanka Guumeys, warar ayaa sheegaya in ay ku wajahan yihiin deegaanada Yeyle, Horufadhi iyo Ceegag oo ay labadaba joogaan maleeshiyaad horey ula wareegtay Somaliland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top