BREAKING NEWS

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Buuhoodle Jidgooyo Loo Dhigtay

Maleeshiyaad kusugan duleedka Buuhoodle, horeyna ula wareegtay Somaliland ayaa diiday in wafdiga Puntland ee shalay tagay magaaladaas ay u gudbaan deegaanka Horufadhi oo ay saaka aadi lahaayeen.

Ciidankan ayaa gaadiidkooda dagaalka geeyey wado muhiim ah oo ay mari lahaayeen wafdigan, waxayna sheegeen in aysan aqbaleynin, rasaas ayaana laga maqlay gudahooda ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa doonaya in laga hortago colaad cusub, iyadoo mid beelood la xalinayo. Warar ayaa sheegaya in dhammaan dhinacyada siyaasadda aan loo ogolaan doonin Gogasha wada hadalka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top