BREAKING NEWS

Imaaraatk Carabta oo aqoonsi rasmi ah siisay Baasaboorka Somaliland

Sida ay tabinayaan wararka rasmiga ah ee laga helayo ilo katirsan wasaaradda Arrimaha dibada ee Somaliland iyo Hay’adda Socdaalka ayaa sheegaya in ay dawladda Imaaraatka Carabta bilowday in ay si rasmi ah dal kugalka u siiso Basaboorka Somaliland, sidaas oo kalena ay u qaabisho sidii dal-gaar ah oo ay kusoo saarto dhammaan noocyada daganaansho ee dalkaas.

Talaabada oo aan wali la shaacin ayaa wararku sheegayaan in ay Somaliland sameysay dadal xoog badan oo la xariira sidii ay ku dhici lahayd, waxaana mudooyinkii u dambeeyey wanaagsanaa xariirka u dhaxeeya Somaliland & Imaaraatka Carabta.

Imaaraatku waxay gacanta ku hayaan Dekeda weyn ee magaalada Berbera oo ay dib u dhiseen, sidaas oo kale waxay dhisayaan wadada isku xirta Berbera ilaa Wajaale oo ay doonayaan in ay noqoto mid muhiim ah waqtigan.

Aqoonsiga Baasaboorka Somaliland ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa ka dhigan fariin kale oo ay Xukuumadda Imaaraatku ku muujinayso in ay kasoo horjeedo madax banaanida Soomaaliya, waxaana horey u u sheegay madaxa ugu sareeya Shirkada DP WORLD in ay u aqoonsan yihiin Somaliland dal madax banaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top