BREAKING NEWS

Mursal “Mamul Goboleedyada wax awooda kuma lahan go’aan Doorashada

Xiisada Raysal wasaare khayre iyo Madaxweyne Farmaajo ee dhanka doorashada Soomaaliya ayaa marays meel xaasaasi ah.

Raysal wasaare khayre Gudoomiyaha aqalka sare iyo maamulada oo isku dhinac ah ayaa ka midaysan in xiligan aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

dhanka kale madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Barlamaanka soomaaliya ayaa iyana ka midaysan inay dhacdo doorasho loo eekay siiyay qof iyo cod,

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo la hadlayay baarlamanka Faderaalka goor dhaw ayaa ka hor yimid shirkii maamullada ee Dhuusamarreeb, isaga oo gaashaanka u daruuray doorasho-dadban.

“Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada”.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top