BREAKING NEWS

Imaaraadka Iyo Masar oo u soo jeestay Soomaliya & Dowlada Ingriiska Dabada Ka Riixaysa Ictiraafka Somaliland(WIDHWIDH ONLINE)

Warar xoogan oo isasoo taray ayaa kasoo baxaya wadahadalo u socda dalka Masar iyo maamulka Somaliland xili wafdi Qaahira ka yimid ay booqasho ku tageen magaaladda Hargeysa.

Wafdigan ayaa isniintii lasoo dhaafay tagay Hargeysa, waxaana ay la kulmeen madax sare oo Somaliland ka tirsan – laakiin xog dheeraad ah ayaa laga helayaa qodobadii laga wada hadlay.

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowaldda Masar ay dooneyso iney iskaashi militeri la sameyso Somalliland isla markaana ay saldhig ciidan ka sameysato.

Wararka ayaa sheegaya in dekadda Berbera oo xili hore Imaaraadku gacanta ku hayay isla markaana u aheyd saldhig militeri ay haatan Masar dooneyso iney la wareegto.

Qorshahan ayaa yimid kadib markii dowladda Somalia ay ku gacan seyrtay dalab kaas la mid ah oo uga yimid Masar xili xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Masar ee la xariirta biyaha wabiga Niil ay meel xun mareyso.

Wargeyska Hargeysa kazoo baxa ee Geeska Afrika ayaa bogiisa hore kusoo qoray in Wafdiga Masar ka yimid uu maqaamkoodu sareeyay.

Cilaaqaadka Masar iyo Somaliland ayaa bilowday sanadkii 2019-kii markaas oo Wasiirka Afrika u qaabilsan Masar uu booqasho qarsoodi ah ku tagay  Hargeysa, waxaana la qariyay waxyaabihii uu Somaliland kala hadlay.

Somaliland oo mudo dheer ictiraaf raadineysa ayaa isha ku haysa iney la saaxiibto dalalka aanan cilaaqaadka wanaagsan la laheyd dowladda Somalia, waxaana ay horey ay xariir ula yeelatay Imaaraadka.

Dhamaan dadaaladan socda ayay dowladaha Carabtu ku doonayaan iney hoos ugu dhigaan awoodda dowladda dhexe ee Somalia iyagoo u maraya iney maamuladda Somalia la heshiiyaan.

Saxaafadda ayaa daabacday in xariirka Somalia iyo Masaru u 60 Sano kadib ku dhow yahay inuu bur buro sababo la xariira Qaahira oo aanan Somalia u arkin meel istiraatiij ah tan iyo labo sano kahor markaas oo ay biyaha Nile isku qabsadeen Itoobiya.

Somalia ayaa la safatay Itoobiya arintan ayaana keentay in xiisad xoogan ay ka dhex dilaacdo labada dal ee ka wada tirsan Jaamacadda Carabta iyo Midowga AFrika.

Dowladda Somalia ayaanan ilaa haatan war kazoo saarin talaabooyinka ay dowladaha Carabta qaadayaan, waxaana loo aaneynayaa in dowladu aysan dooneyn iney xiisada dab kusii shido.

Dhinaca kale mudo labo sano ah ayaa Dowlada Ingriisku go’aan ku gaadhay inuu Soomaliya kala jaro isaga oo dabada ka riixaya dowlada Imaaraadka carab, waxuuna ku xumaynayaa dowlada Turkiga oo qabsatay gabi ahaaba Soomaliya. Waxaa kale oo Dowlada Ingriisku meelsha ka saaray in Soomaliya aan waligeed Cunaqabatayn Hubka aan laga qaadin inta la kala dirayo Soomaliya oo dhan.

WIDHWIDH ONLINE NEWS DESK

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top