BREAKING NEWS

Xaliimo Yarey oo caawa Dhuusamareeb ka wada arimo xasaan ah

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug gaartay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey).

Safarka Xaliimo Yarey ku tagtay Dhuusomareeb ayaan wali si rasmi ah loo shaacin ujeedkiisa, waxaana safarkan uu imaanayaa xili la filayo in magaalada Dhuusomareeb ka furmo shir xasaaasi ay yeelanayaan Madaxda federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Shirka ka dhacaya magaalada Dhuusinareeb ayaana diirada lagu saari doonaa doorashada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya, waxaana duurto gal ah in shirkaasi lagu go’aamiyo nuuc doorasho oo ka duwan kuwii horey Xaliimo Yarey u shaacisay.

Madaxweynaha Soomaaliya , Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Madaxda maamul goboleedyada ayaa la filayaa in ay isugu tagaan magaalada Dhuusomareeb oo marti galineysa shirkan looga arinsanayo arimaha la xariira doorashada Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top