Waxaa hada soo gaadhay Magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani iyo wafdi uu hoggaaminayo ee Xarunta Galmudug.
Tegitaanka dani ayaa kusoo beegmaya xili ay socdaan shirar gaar gaar ah oo lagu qaadaa dhigayo Magaca Shirka u furmaya Dowlada Faderaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wada qorshe ah in magaca Shirku noqdo Shirka Golaha Amniga Qaranka halka madaxda Dowlad Goboleedyadu rabaan in shirkan loogu yeero, Shirka wadatashiga Dowlada Faderaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
Ma cada sida ay xaalada noqon doonta,iyadoo Siciid Dani iyo Madaxweyne Farmaajo la filayo inay iyaguna kulmaan.