Dibad-baxyo ballaaran ayaa lagu soo warramayaa inay maalintii labaad ka socdaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dibad-baxyada oo ah kuwa rabshada wata ayaa waxaa dhigaya wadayaasha mootooyinka Bajaajka ee ka howl-gala magaaladaasi, kuwaas oo cabasho muujinayo.
Wararka ayaa sheegaya in dibad-baxyadu ay ka dhasheen, kadib markii ciidamada Booliska Somaliland ay xir-xireen qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinkaasi, kuwaas oo aan heysan Ruqsadda ogolaanshiyaha wadista Gaadiid ee License-ka).