BREAKING NEWS

Kulan Dhuusamareeb uga socdo Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa weli ka socda kulamo horudhac u ah Shirka la filayo in uu dhawaan ka furmo,kaas oo u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowladda & Dowlad Goboleedyada.


Kulamadaan ayaa waxaa ay u dhaxeeyaan Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

Shirka loo balansan yahay ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah maalinta barrito ah uga furmo Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusomareeb,kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top