BREAKING NEWS

Al-Bashiir oo maanta lasoo taagay Maxkamad

Waxaa maanta maxkamad la soo taagay madaxweynihii mudada dheer xukumayay dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo loo haysto dacdwo kala duwan .

Al-Bashiir ayaa maxkamadiisu bilaabatay isaga oo ku jiray qol yar gudaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum,waxaana ka mid ah waxyaabaha loo haysto afgambigii uu dalka kula wareegay sanadkii 1989-kii,xiligaas oo xukuna xoog ugala wareegay dowladda si dimuquraadi ah loo doortay

Dacwadaha loo haysto madaxweynihii hore ee dalka Sudan waxaa ku wehliya ilaa iyo 16 qof oo kale oo ka mid ahaa xukunkiisii.

Bashiir ayaa horay u xukumay 2 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay musuqmaasuq sanadkii la soo dhaafay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top