BREAKING NEWS

Deg Deg:Puntland oo Afar askari dibada u dirtay iyo Arrin layaab Leh oo dhacday

4 Askari oo ka tirsan ciidamada Puntland oo dhawaan cunay, Cunto loogu shiiday Quraarad ama dhalo la jajabiyey ayaa maanta ka baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, iyagoo baaris caafimaad loo diray, si xaaladooda wax looga qabto.

Xildhibaan Axmed Kuluc oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Puntland, ayaa sheegay in ay xiran yihiin 2 qof oo uu ku tilmaamay dambiilayaal falkaas geystay.

Arrintan ayaa ka dhacday magaalad Carmo ee gobalka Barri, taas oo ahayd markii ugu horeysay ee la maqlo dhacdo noocan oo kale ah, waxayna ciidamadan ka mid ahaayeen ciidamadii Puntland ee loo bixiyey Beder & Uxud.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top